Wararkii ugu dambeeyay xaaladda degaanka fiidow oo al-shabaab la wareegtay

Waxaa saakay degan xaaladda degaanka Fiidow oo ay isaga baxeen ciidamada AMISOM, iyadoo daqiiqado kaddib si nabadgelyo ah ku qabsadeen xoogagga Al-Shabaab, iyadoo magaalada laga dareemayo isbedel ka duwan sidii hore.

Degaanka Fiidow oo hoos tagta gobolka degmada Mahadaay ee Sh/dhexe ayaa ku taala xadka ay la leedahay gobolka Hiiraan, hase yeeshee Guddoomiyaha Degmada Mahadaay Saalax Xaaji ayaa warbaahinta u sheegay in degaanka Fiidow ay isaga baxeen ciidamada AMISOM.

Guddoomiye Saalax ayaa sheegay inuusan isagu hubin in Al-Shabaab ay la wareegtay degaanka Fiidow, wuxuuna hoosta ka xariiqay in ka bixitaanka ciidamada AMISOM aan isaga lagu soo wargelin.

Dhinaca kale ururka Al-Shabaab ayaa warbaahinta isaga taageerta waxaa lagu sheegay in boqolaal dagaalyahanadooda ka tirsan ay la wareegeen degaanka Fiidow, taasi oo lagu sheegay inay dhabarjab ku tahay ciidamada Dowladda iyo kuwa AMISOM ee huwanta ah.

Ilaa iyo iminka ma jirto Dowladda iyo taliska AMISOM cid ka hadashay ka bixitaanka degaanka Fiidow oo ka mid ah goobaha muhiimka ah ee kala qeybiya gobolada Sh/dhexe iyo Hiiraan.

Share this:

Short URL: http://www.ccdsomaliyouth.com/?p=33419

Posted by ccdyouth
on Nov 14 2015. Filed under Wararka maanta.
You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0.
You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *