“budada caanaha ma ahan in lagu eedeeyo kobaca naasaha hablaha “china ayaa tiri

Wasaarada Caafimaadka ee Dalka China ayaa Sheegtay in Baaritaano lasameeyay aan lahelin Wax Cadeyn ah oo ku aadan Budada Caanaha ee ay soo saarto Shirkad Shiinees ah, Sidoo kale Waxaa Warbixinta ay Wasaaradu kusheegtay in Baaritaankaan ay Keentay Kadib Markii Sedex Gabdhood oo Saqiiro ah Markii ay Cabeen Caanaha Shirkada SYNUTRA ay kobceen Horaadaha Habla (Naasaha) sidaana Waxaa Maanta Shaacisay Saxaafada Qaranka Wadana China.

Baaritaankaan Sheybaar ee lasameeyay ayaa waxaa shaaciyay Wasaarada Caafimaadka ee Bejin, Waakalada Wararka ee Shinwaa iyo Website-ka Wangyi News.

Saraakiisha Gobolka Bartamaha ee Hubei ayaa Dalbaday in Labaaro Caanaha Koobaad ee Caruurta lasiiyo kadib markii Waalidiinta iyo Dhaqaatiirta ay Cadeeyeen Cabsida in Harmonis-ka kujira Caanaha ee laga Sameeyay NASDAQ in ay keentay in Gabdhaha yar yar ay Naasaha kobcaan iyagoo Aan Qaan Gaarin.

Saraakiisha Qaabilsan Baaritaanka Cuntada Gudaha Dalkaasi ayaa Xili sii horaysay ku Gacansayray Dalabka Waalidiiinta ee Baaritaanada Caanaha Koobaad ee ay samaysay Shirkada SYNUTRA taas oo kutaal Magaalada Bariga ee Qingdao, Waxaana ay sheegeen in aysan Samayn Baaritaano ay kadalbadeen isticmaalayaasha waxaa sidaa sheegtay Maanta Saxaafada Dalkaasi.

Baaritaanka Caafimaadka ayaa tusinaysa Heerka Hormones-ka ee Sedex Gabdhood oo Da’dooda udhaxayso Afar Bil ilaa iyo 15 Bilood oo iyagu lasiiyay Caanaha Koobaad ee caruurta, taasna waxaa ay keentay in ay noqdaan sidii Haweenka Waa weyn oo kale sidaa waxaa todobaadkii tegay Sheegay Wargayska China Daily.

Kiiska Afaraad ayaa laga soo sheegay Xarunta Dalkaasi ee Benjin Waxaana soo Warisay Wakaalada Wararka ee Shinwaa Maanta oo isniin ah.

Wasaarada Caafimaadka ayaa sheegtay xili sii horaysay in Quburada Caafimaadka ay dhinaca kale kadalbadeen in ay kaacaawiyaan baaaritaaanka ku aadan sababata iyo waxa kalifay Xaalada layaabka leh ee Saqiiradan

Qoraalkii AFP

Tarjumidii Suheyba Badqas

[email protected] 

www.somalinewsonline.com

Short URL: http://somalinewsonline.com/?p=298

Posted by mohamed
on Aug 16 2010. Filed under Wararka.
You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0.
You can leave a response or trackback to this entry


Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *