Shabada wararka somalida ee somalikudhan.com.

Dib
haloo dhaariyo Xildhibaannada Baarlamaanka

(Farriin
ku socota Xildhibaannada Baarlamaanka ee ku shiraya Magaalada Baydhaba)

Saldhigga asaaska u ah
dowladda Federaalka Soomaaliya waa Baarlamaan ka kooban 275 xubnood oo
lagu soo xulay shirkii lagu xiiqay ee labada sano iyo dheeraadka ka socday
dalka Kenya, waana hay’adda ugu sareysa nidaamka dowladnimo ee hadda
dalka ka jira.

Soomaalidu waxay
tiraahdaa“Dudub in la dugaashado iyo in la dareensado ma wada qabato”
wax kastoo uu Baarlameenku yahay, ceeb kastoo uu leeyahay, iyo qaabkii uu
ku yimidba ma aha kuwo hadda taagan oo doodi ka furan tahay, sababtoo ah
ayaandarradii Sanadka kala irdheysay ee dowladiina ma-dhasho kadhigtay
ayaa qof waliba uga dhigan qasaare weyn oo qof waliba taabatay sidaas
darteed, waa in xil-sidayaasha xildhibaanada ah iyo Soomaalidu garataa in
275-ta xubnood looga fadhiyo inay ka soo baxaan mas’uuliyadii ay umadda
Soomaaliyeed u qaadeen.

Waxaan doonayaa inaan
farriin gaarsiiyo xildhibaannada ku shiri doona magaalada Baydhaba ee
halkaas markii ugu horeysay isugu tegi doona, iyadoo ay sharaf u tahay
Baydhaba kaliya maahee umadda Soomaalida oo dhan, waxaana kulanka ku
xaqiiqoobaya inay Soomaalidu iyagoo kala duwan oo kooxo iyo qabiilo utuni
u dhaxeyso ka kala yimid ay aakhirkii magaalo Soomaaliyeed ku shiri karaan,
waana bilowga is-aaminka Soomaalinimo oo muddo dheer la waayay.

Fadhiga taariikhiga ah ee
Baarlamaanka waxaa hor yaala arrimo xasaasi ah maxaa yeelay wax waliba oo
khilaaf ahaa ama la isku hayay waxaa loo dhaafay Baarlamaanka, maxaa
yeelay MADAX MEEL KA SAREYSA OO LA SALAAXO MA JIRTEE, waa hay’adii
awoodda u lahayd inay go’aan ka gaarto arrin waliba oo taagan ama
dowladu dooneyso inay ku dhaqaaqdo, sidaas darteed ayaan halkan ku tixi
doona qodobada laga doonayo inuu ka soo baxo, qaar xal u helo, qaarka
go’aan ka gaaro Baarlamaanka:

= Marka hore waa in
xildhibaannada Baarlamaanka lagu celiyaa dhaar kale!, iyadoo lagu
dhaarinayo dhaarta caadiga ay ee Axdiga ku qoran, loona raacinayo mid kale
oo ah in xildhibaan waliba horseed ka noqon qorshe dib u kala diri kara
ama u kala qeybin kara Baarlamaanka!.
= Waa in la dhameystiraa dhismaha xogheynta Baarlamaanka, Guddiyada iyo
waliba shaqaalaha Baarlamaanka loo qorayo.
= Waa in la ogolaadaa in Golaha wasiirada laga qaadan karaa gudaha
Baarlamaanka iyo bannaankaba.
= Waa in xal aan caadifad iyonin jecleysi ku dhisneyn loo helaa ,
go’aano aan qofka u daneyneynin laga gaaraa arrimihii khilaafka ka jiray
ee xasaasiga ahaa iyadoo laga faa’iideysanayo khibaradii laga helay
sanadkii kala qeybsanka sida:
A- Qorshaha ammaan ku soo celinta dalka.
B- Qorshaha hub dhigista dalka.
C- Ciidamada dowladda u kaashaneyso soo celinta amniga & halka ay ka
imaanayaan oo ay ku jirto caddeynta xilligooda iyo howshooda.
D- Xaaladda Caasimadda Muqdisho iyo sida wax looga qabanayo.
E- Halka Baarlamaanka iyo xukuumadu ku sii shaqeyn doonaan.
F- Iyo kala qeexida saddexda awoodood ee Baarlamaanka, xukuumadda iyo
madaxeweynaha.
= Waa in dib loogu noqdaa Golaha wasiirada iyo qaabka ay u dhisan yihiin,
dib u dabeyn weyn iyo tiro dhimis weyn lagu sameeyo, lana daayo jagooyinka
qaranka in inta hubka sida lagu koobo.
= Waa in xal loo helaa wixii isbedel ahaa (Xil ka-qaadis iyo magacaabid)
ee lagu sameeyay Golaha wasiirada iyo hay’adaha kale ee dowladda ama
Gole wasiiro cusub la soo dhisaa inkastoo ay tahay howsha ugu adag ee soo
wajihi doonta dowladda Federaalka jiritaankeeda oo idil.

Iyo Ugu dambeyn in la
dhameystiro dhismaha hay’adda muhiimka ah oo ay ugu horeyso maxkamadda
sare, iyo hay’adaha ammaanka Qaranka.

Qodobadan faraha badan ee
sida aadka ahna u adag, wuxuu mid waliba u baahan yahay xal laga sugayo
Baarlamaanka iyadoo dhinacyada ay kala taabacsanaayeen xildhibaannada ay
lagama maarmaan tahay inay meel iska dhigaan una soo jeestaan danaha
qaranka, laakiin waxaan meesha ka marneyn in guddoonku yeeshu xikmadii uu
qodobadan u kala hormarin lahaa, sida duruuftu tahayna u maamuli lahaa
waqtigii ay doontaan ha qaataane.

Xildhibaannnada xilka
qaaday haddii ay wax yar oo garasho ah leeyihiin waxaan ka codsaneynaa in
marka ay tagaan Baydhaba ay eegaan Gobola ay joogaan iyo gobollada ku xiga
ee Bakool iyo Gedo oo dadkii Soomaalida ahaa ay la il darran yihiin abaar
is xigsatay heer ay cabaan Kaadidooda sida ay sheegeen Hay’adaha
samafalka, dhinacan kale soo eega iyo caasimadii Muqdisho oo dagaalo ay ku
lug leeyihiin xildhibaanno wasiiro ah ay ka taagan yihiin, Isbitaalladana
dhaawac ka buuxaan.

Marka aad xaaladaasi ku
dhex jirto xildhibaannow dadkaagiina kugu xeeran yihiin iyagoo mid baahi
dileyso iyo mid xabbad dileyso u dhaxeeya miyay jirtaa wado kuu furan oo
aan ka ahayn inaad danaha qaranka ka taliso oo danihii beeleed, kuwii
shaqsiyeed iyo waliba kuwii Goboleed aad meel iska dhigto?!!!!!!!!!!!.

W/Q: Sharif Moalim (YOL)
Kunoqo Bogii hore.


Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *